Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM oo Miina Baaris Kawado Magaalada Awdheegle

0
18

Sabti 4,Oct 2025 {HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo nadiifin iyo baaritaan ah ka wada magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii maleeshiyaadka Khawaarijta naf la caariga ah ay miinooyin badan ku aaseen waddooyinka, hareeraha magaalada iyo gudaha guryaha shacabka.

Hawlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la baabi’iyo dhammaan waxyaabaha qarxa ee khatar ku ah nolosha shacabka iyo ciidamada, si bulshada deegaanka ay ugu laabtaan guryahooda si nabad ah.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo AUSSOM ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in magaalada laga sifeeyo wixii haraadiga Khawaarijta ah, taas oo qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu sugayo amniga magaalada iyo deegaanada ku dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here