Axad 5, Oct 2025 {HMC} Ciidanka milatariga Dowladda Shiinaha ayaa lagu warramayaa inuu ballaarinayo goobaha tababbarka milatari lagu sameeyo, kuwaasoo loo ekeysiiyay dhismayaasha dawladda ee jasiiradda Taiwan, waxaana loo dhisay sida uu yahay muuqaalka saxda ah ee dhismayaasha Taiwan ee kala ah ; xarunta madaxtooyadda.
maxkamadda sare, wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda difaaca, waddooyinka magaalada Taipei, iyo xitaa godod dhulka hoostiisa mara oo dhererkoodu yahay 280 mitir,
Arintan ayaa laga soo xigtay sawirro dayax-gacmeed oo uu baahiyay wargeyska Japan ka soo baxa ee Sankei Shimbun oo sheegay dhismaha xaruntan tababbar inuu ka socday saldhigga Zhurihe ee gobolka Inner Mongolia.
Tan iyo sannadkii 2020, waxaana ujeeddada loo dhisay lagu sheegay in ciidanka Shiinaha loo tababbarayo sida ay ugu dhex dagaallami karaan magaalada Taipei ee caasimadda Taiwan.






