Dal wuxuu ku lumaa ficillada siyaasadda, Sida Soomaaliya Camal.

0
27

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Mararka qaar dal wuxuu ku lumaa ficillada siyaasadda, sida markab aan lahayn jiheeye. Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa marxalad noocaas ah.

Dawlad dhexe iyo dawlad-goboleedyo is khilaafsan, faragelin shisheeye oo sii hurineysa, iyo kalsooni dadweyne oo sii yaraanaysa.

Laakiin taariikhdu waxay na baraysaa in dal kasta oo sidaas u burbura uu dib isu dhisi karo,haddii hoggaankiisu yeesho niyad, dulqaad iyo waddaniyad.

Koonfur Afrika markii ay ka baxaysay nidaamkii midab-takoorka, dadku way kala fogaayeen, balse Nelson Mandela wuxuu doortay wadadii cafiska iyo isu keenidda. Wuxuu diiday aargoosi, wuxuuna dhisay dawlad ku saleysan run sheegis iyo bogsiin.

Bosnia dagaal sokeeye oo qoomiyado isku dileen ayey uga baxday heshiis, balse ma ahayn heshiiska mid waqtigaa loo arkayay mid wanaagsan, laakiin wuxuu joojiyey dhiig.

Indonesia markii ay burburtay dawladdii Suharto, dadku waxay oggaadeen in midnimada lagu ilaalin karo awood qaybsan oo cadaalad ah , gobollo helay qaybtooda ayaa lagu badbaadiyay qaranimada.

Colombia waxay dagaal 50 sano socday ku joojisay wadahadal. Dawladdii iyo kooxihii hubeysnaa waxay isku raaceen in dagaal aan lagu gaari karin guul qaran , waxayna dhiseen waddo cusub oo nabad iyo siyaasad xasilloon.

Casharka Soomaaliya ka baran karto dhacdooyinkan hore ayaa ah ,dawladnimadu ma aha dagaal iyo awood ee waa heshiis lagu wada noolaan karo. Madaxweynaha federaalka waa inuu noqdaa mideeye, ma aha tartame,

madaxda dawlad-gobolleedyadana waa in ay noqdaan tiirka dawladnimada, ma aha mucaarad. Xal kama yimaado shisheeye, wuxuu ku imaanayaa marka Soomaalidu isku miis fariisato, is maqasho, oo is aaminto.

Haddii waddaniyad dhab ah lagu dhaqmo, maanta khilaafkeennu wuxuu noqon karaa berri cashar ay Afrika iyo duniduba ku dayato!

W/Q Iman Jama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here