Kulanka oo ku saabsanaa Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Oo kulan yeeshay

0
9
Talaado 7, Oct 2025 {HMC}  Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare , oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ku saabsan korjoogtaynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda, ayaa maanta xafiiskooda ku martiqaaday masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo isla-xisaabtan la xiriira howlaha Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray qorshaha guud ee Wasaaradda, xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, mashaariicda ay gacanta ku hayaan iyo habka loo maamulo, caqabadaha jira ee ku aaddan qiimaha korontada, halka uu marayo dhaqan-gelinta sharciga korontada, arrimaha biyaha dalka, iyo su’aalo kale oo muhiim ah.
Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka Marwo Suhuur Xaaji, iyo xubnaha kale ee la socday ayaa Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, iyagoo bixiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan howlaha iyo qorshayaasha Wasaaradda.
Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, oo kulanka soo xiray, ayaa uga mahadcelisay Wasiirka iyo wafdigiisa sida ay warbixin cad uga bixiyeen howlaha Wasaaradda. Sidoo kale, waxay ku adkaysay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta sharciyada la ansixiyay iyo hirgelinta qorshayaasha adeegyada muhiimka ah ee ay Wasaaraddu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here