Madaxweyne Xasan oo soo jeediyey in la xoojiyo barashada luqadda Sawaaxiliga.

0
14

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha ee bariga Afrika – EACCON.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan boqolaal ergooyin ah ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay in la horumariyo luqadda Sawaaxiliga.

“Jaamacadaha dalka, gaar ahaan jaamacadda umadda Soomaaliyeed waa inay xoog badan geliso horumarinta luqadda sawaaxiligaoo ah luqadda ay Afrikada bari leedahay” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Talaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay maadaama ay Soomaaliya dhawaan ka mid noqotay bulshada Afrikada bari.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku hadla luqadda Sawaaxiliga oo ahayd mid Soomaalida ay aad u baranayeen tobanaankii sano ee u dambeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here