Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta daahfuray warbaahin cusub oo uu ku sheegay in ay noqon doonto codka Afrika, taas oo loogu magac daray Pulse of Africa.
Munaasabadda daahfurka ayaa ka dhacday xarunta warbaahintan oo ku taal Addis Ababa , waxaana lagu sheegay in ay tahay bilow taariikhi ah oo Itoobiya ku muujinayso awooddeeda cusub ee dhanka warbaahinta iyo hal-abuurka fikirka qaaradeed.
Hase yeeshee, furitaanka warbaahintan wuxuu xambaarsan yahay farriimo siyaasadeed iyo istiraatiijiyad ka ballaaran inta indhaha laga arko, mid muujinaysa in Abiy Axmed doonayo in Itoobiya noqoto xarunta cusub ee fikirka Afrika, iyo in uu isaga laftiisu isu muujiyo sidii hoggaamiye cusub oo qaaradda u horseedaya jiho mideysan.
Warbaahinta Pulse of Africa waxaa lagu tilmaamay in ay ka duwanaan doonto warbaahinta caalamiga ah ee marar badan Afrika u sawirta meel dhibaato, saboolnimo iyo dagaal joogto ah.
Abiy wuxuu sheegay in Afrika aysan u baahnayn cid kale ka hadasho, balse ay tahay in ay iyadu codkeeda iyo sheekadeeda gudbiso.
Laakiin marka si siyaasadeed loo eego, furitaanka warbaahintan waa tallaabo si qoto dheer loogu dhisay istiraatiijiyad cusub oo ku wajahan laba jihaba , gudaha Itoobiya iyo qaaradda Afrika.
Gudaha Itoobiya, waxay noqoneysaa aalad cusub oo lagu xoojinayo fikradda midnimada qaranka iyo kalsoonida shacabka, xilli uu ra’iisul wasaaruhu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo dhaqaale oo gudaha ka jira, halka dhanka Afrika ay u adeegayso sidii cod midaysan oo uu isaga ku hadlo.
Marka dal uu dhisto warbaahin qarameed, had iyo jeer waxaa ku duugan sir siyaasadeed.
Ma aha kaliya in la doonayo in la helo meel lagu faafiyo warar wanaagsan ama lagu difaaco dawladda, balse waa qayb ka mid ah dhismaha awoodda qaranka.
Warbaahin qaran waxay noqon kartaa aalad lagu hagayo fikradaha bulshada, lagu cabbiro dareenka dadweynaha, lana dhiso shucuurta qaranimo.
Abiy si wanaagsan ayuu u fahmay in qarnigan aan dagaalku ahayn mid kaliya lagu dagaallamo qoriga, balse lagu dagaallamo sheeko iyo xog. Haddii aad adigu maamusho sheekada, waxaad maamuleysaa maskaxda dadka. Sidaas darteed, Pulse of Africa waa hub siyaasadeed iyo mid fikir.
Dhinaca kale, furitaanka warbaahintan wuxuu imanayaa xilli Abiy Axmed wajahayo dhibaatooyin badan oo gudaha ah, khilaafka gobollada, kacdoonka siyaasadeed , dhaqaalaha oo hoos u dhac uu ka muuqdo, iyo kalsoonida shacabka oo dhaawacantay.
Si kastaba, halkii uu ka qarin lahaa xaaladdaas, wuxuu doortay inuu abuuro muuqaal kale oo xoog leh, in Itoobiya ay tahay dal hal-abuurnimo leh, mid horumar sameynaya, mid hoggaamin karta Afrika.
Waxaa la dareemayaa in Abiy u adeegsanayo warbaahinta cusub sidii qayb ka mid ah olole istiraatiiji ah oo uu ku dhisayo sumcaddiisa gudaha iyo dibadda labadaba.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Abiy adeegsado mashaariic waaweyn si uu u dhiso muuqaal hoggaamineed.
Wuxuu hore u furay mashruucii Green Legacy ee lagu beeray malaayiin geedo, biyo-xireenka GERD ee uu ku muujiyey awoodda Itoobiya, dhismaha kaabayaal waaweyn sida jidad iyo garoomo, iyo hadda warbaahin qaaradeed oo uu leeyahay.
Mid kasta oo ka mid ah mashaariicdan waxaa laga dhex akhriyaa hal aragti in Abiy Axmed doonayo in taariikhda lagu xasuusto sidii hoggaamiye Afrika, fikirkiisana laga arko Addis Ababa oo noqota xarun cusub oo siyaasadeed iyo warbaahineed.
Siyaasadda uu adeegsanayo waxay xambaarsan tahay calaamado Pan-Africanism ah , taasoo ah fikraddii laga dhaxlay hoggaamiyayaashii sida Kwame Nkrumah iyo Julius Nyerere oo ku taamayay midnimo Afrika.
Laakiin farqiga u dhexeeya Abiy iyo hoggaamiyeyaashaas waa in Pan-Africanism-kii hore lagu dhisay halgan xorriyadeed, halka midda Abiy ay u muuqato mid lagu dhisayo halgan sumcad iyo hoggaamin cusub. Isaga wuxuu doonayaa in Itoobiya noqoto xarunta Afrika ee warbaahinta, amniga iyo diblomaasiyadda, xilli mar horaba ay Addis Ababa saldhig u ahayd Midowga Afrika.
Siyaasiyiinta qaabkaas u dhaqma waxaa lagu tilmaamaa ‘visionary populists’ hoggaamiyeyaal abuura mashaariic waaweyn iyo rajo muuqata, balse mararka qaar aysan hubin sida loo dhameystiro.
Abiy wuxuu si cad u qaadanayaa jidkan, isagoo isku dayaya inuu isu muujiyo hoggaamiye mustaqbalka Afrika ee cusub. Warbaahinta cusub ee uu daahfuray waxay u adeegaysaa sidii muraayad uu dunida ku tuso sawir cusub oo ah Afrika guuleysaneysa, isaga oo ah wajiga Afrikaas cusub.
Tusaalaha uu ka dhaxlay hoggaamiyeyaashii hore waa mid muuqda, wuxuuna tixraacayaa in Kwame Nkrumah uu warbaahinta u adeegsaday inuu faafiyo aragtidiisa midnimada Afrika, Julius Nyerere wuxuu warbaahinta iyo waxbarashada u adeegay sidii uu bulshada ugu beddeli lahaa, Gaddafi wuxuu warbaahin iyo lacag u adeegsaday inuu ku xoojiyo doorkiisa qaaradeed.
Abiy-na wuxuu isku dayayaa in uu isku daro saddexdooda, isagoo adeegsanaya fikir, muuqaal iyo saameyn.
Xigasho Iman Jamac






