Ruushka oo ka baxaya heshiiska xakameynta hubka nukliyeerka.

0
22

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa ka baxaya heshiiska xakameynta hubka nukliyeerka ee Dowladda Mareykanka uu kula jiray

Heshiiskan oo soo socday muddo 25 sanno ah ayaa loo arkayay in uu yahay kan ugu muhiimsan ee xakameynta nukliyeerka.

Heshiiska uu Ruushku hadda ka baxayo waxaa la saxiixay sannadkii 2000, wuxuuna ahaa “Plutonium Disposition Agreement, sida ay Baahisay wakaalada Wararka ee Reuters.

Ujeeddadiisu waxay ahayd in labada dal ay baabi’iyaan 34 tan oo plutonium ah, oo ah walaxda ugu muhiimsan ee laga sameeyo qaraxyada nukliyeerka.

Ruushka wuxuu albaabka u furaya dib u qaabeynta nukliyeerkiisa, taa oo ka dhigan hanjabaad looga jawaabayo taageerrada uu Mareykanka siinayo Ukraine, oo Ruushku ugu sheegayo inay ka dhalan karto cawaaqib in batoonnada bambada nukliyeerka la riixo!

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here