Dowladda Pakistaan oo Caawa Madaafiic ku garaacday Caasimadda Afgaanistaan.

0
25

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Ciidamada amaanka Pakistan ayaa subaxnimadii Arbacada weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen kooxda Talibanka Pakistan oo ku dhow xuduudka Afgaanistaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo sababay dhimashada 11 askari iyo 19 maleeshiyo ah, sida ay ciidamadu sheegeen.

Howlgalka ayaa ka dhacay degmada Orakzai ee gobolka waqooyi-galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga.

Milatarigu waxa ay ku tilmaameen falaagada la dilay “Khwaarij,” oo ah erey ay dawladdu u adeegsato xagjiriinta ay ku andacoonayso in ay taageeraan Hindiya, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ururka la mamnuucay ee Tehrik-e-Taliban Pakistan iyo Ciidanka Xoraynta Baloch.

Dowladda Pakistan ayaa muddo dheer ku eedeeyay New Delhi inay taageerto gooni u goosadka Balochistan iyo dagaalyahanada Taliban Pakistan, eedeymaha India ayaa beenisay.

Hadal kooban oo ay soo saareen Talibanka Pakistan ayay ku sheegteen mas’uuliyadda weerar lagu qaaday ciidamada ku sugan Orakzai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here