Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Duqeymo culus ayaa caawa gilgiley magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan, iyadoo dadku maqleen guuxa diyaarado dagaal oo dul wareegaya caasimadda Afghanistan.
Ilaa hadda cidna ma sheegan mas’uuliyadda weerarradaas, balse Pakistan ayaa maanta ku eedeysay Taalibaan inay martigelisay kooxo argagixiso oo ka danbeeya weerarro ka dhacay gudaha Pakistan.
Wasiirka Difaaca ee Pakistan, Khawaja Asif, ayaa maanta hadal kulul ku sheegay in samirka Islamabad uu hadda gaaray xadka ugu dambeeya,isagoo tilmaamay in Taalibaan ay ku fashilantay joojinta weerarrada kooxda Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP) oo saldhigyo ku leh dhulka Afgaanistaan.
Wararka ayaa sheegaya in duqeyntu lagu bartilmaameedsatay deegaanno ku dhow xarumaha dawladda ee Kabul, balse faahfaahinta khasaaraha wali lama hayo.
Taalibaan weli kama hadlin dhacdada, hase yeeshee saraakiil Afghan ah ayaa ku tilmaamay duqeynta xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka.
Weerarkan wuxuu dhacay saacado kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Afgaanistaan uu booqday Hindiya ,safar Islamabad u aragtay mid calaamad u ah in Kabul ay isu rogayso dhinac siyaasadeed oo cadowtinimo u muuqda. Pakistan waxay u arkaysaa xiriirka Taalibaan iyo Hindiya inuu khatar ku yahay amnigeeda, halka Taalibaan ay u doonayso safarkaas inuu noqdo fariin madax-bannaani ah ay ku soo bandhigayso.
Duqeymahan ayaa la rumeysanyahay inay calaamad u yihiin xiriirkii Taalibaan iyo Pakistan inuu si dhab ah u burburay. Islamabad waxay isku dayaysaa inay cadaadis ku saarto Kabul si ay uga hortagto TTP, halka Afgaanistaan ay isku dayayso inay muujiso madax-bannaanideeda iyo in aysan sii ahaanin gacanta Pakistan.Weerarkan wuxuu u muuqdaa mid bilow u noqon kara dagaal hoose oo cusub oo u dhexeeya labada daris ee hore isugu dhowaa.
Iman Jamac






