Maxay tahay kooxda TTP ee Laga yaabo in ay sababto Dagaal ka dhax qarxa Pakistan iyo Afgaanistaan?

0
35

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Duqeymo diyaaradeed ayaa caawa ka dhacay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, iyadoo la sheegay in duqeymahan lagu beegsaday hoggaamiyeyaal ka tirsan Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP) , kaddib markii kooxdan weerar askar badan oo ka tirsan ciidanka Pakistan lagu dilay ay shalay ka fulisay xadka u dhaxeeya Pakistan iyo Afgaanistaan.

Dagaalka ay waddo kooxda Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP) wuxuu salka ku hayaa isku dhacyo siyaasadeed, diimeen, iyo amni oo muddo dheer soo jiitamayay gudaha Pakistan, gaar ahaan gobollada xadka u dhow Afgaanistaan.

Si kooban haddaan u faahfaahiyo:

Kooxda TTP waxaa la aas-aasay 2007, kadib markii Pakistan ay duqeysay xarunta Laal Masjid ee magaalada Islamabad, halkaas oo ay ku sugnaayeen culimo iyo arday jihaadiyiin ah.

Weerarkaasi wuxuu kiciyay caro weyn oo ka dhalatay dhanka diimeed, taas oo dhalisay midowga kooxo kala duwan oo ka dagaallamayay waqooyiga Waziristan iyo koonfurta xadka ay Pakistan la wadaagto Afgaanistaan. Waxaa kooxdan hoggaaminayay Baitullah Mehsud, oo markii dambe lagu dilay duqeyn uu Maraykanka fuliyay.

TTP waxay sheegtay in ay u dagaallamayso difaaca shareecada Islaamka iyo in la rido dawlad ay u aragto mid u adeegta Maraykanka, gaar ahaan kadib markii Islamabad ay taageertay dagaalkii Mareykanka ee ka dhanka ahaa Al Qaacida.

TTP ma aha Taliban Afgaanistaan, balse waxay ka dhalatay fikrad la mid ah oo ku saleysan Jihaad ka dhan ah dawladda Pakistan, iyagoo u arkaya nidaamka Islamabad mid ridoobay.

Ujeeddadoodu waa in Pakistan laga hirgeliyo dawlad Islaami ah oo ku saleysan shareecada iyo in laga eryo ciidamada Maraykanka ee markaas joogay gobolka.

Kooxdu waxay isku darsatay hababka Taliban Afghanistan iyo Al Qaacida , waxayna fulisay weerarro waaweyn sida qaraxii 2014 ee dugsiga ciidamada ee Peshawar, kaas oo lagu dilay in ka badan 130 carruur ah, taas oo argagax gelisay caalamka.

Markii Taalibaan ay dib ula wareegtay xukunka Afgaanistaan sannadkii 2021, TTP waxay heshay meel ay si nabad ah uga hawlgasho, gaar ahaan xadka labada dal. Taalibaan waxay ku adkaysanaysaa in aysan si toos ah u taageerin TTP, balse Pakistan waxay ku eedeysaa in TTP ay saldhigyo ku leedahay gudaha Afgaanistaan oo ay halkaas ka qorsheyso weerarro.

Taalibaan waxay u aragtaa TTP walaal Islaami ah, waxayna ka baqaysaa in haddii ay dagaal la gasho ay lumiyaan taageerada kooxaha kale ee jihaadiga ah ee gobolka.

Pakistan waxay ku cadaadinaysay Taalibaan inay xakameyso TTP ama ay ka saarto xadka, balse Taalibaan ma aysan fulin. TTP-na waxay sii kordhisay weerarradeeda gudaha Pakistan,gaar ahaan Baluchistan iyo Khyber Pakhtunkhwac iyadoo beegsanaysa saldhigyo ciidan iyo saraakiil amni.

Ugu dambeyntii, Pakistan waxay rumeysan tahay in aanay suurtagal ahayn amni iyo xasillooni ay hesho ilaa TTP la tirtiro. Balse TTP waxay u aragtaa duqeynta iyo howlgalada Pakistan mid ku dhiirrigelinaya jihaadkooda.

W/Q Iman Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here