Muxuu kala Hadlay Guddoomiye Adan Madoobe Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka.?

0
8

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga warbixin ka siiyay guusha dowladda Soomaaliya ka soo hoysay shirkii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu ansixiyay qaraar ay Soomaaliya kula wareegeyso arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka.

Kadib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday liiska sagaalka xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka, kuwaas oo la horgeyn doono kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale, intii uu socday kulanka Guddiga Joogtada ah, waxaa ajandeyn lagu sameeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, waxaana kulankaan gobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here