Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Iska horimaad u dhaxeeya ciidanka xadduudda ee Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa ka socda xadka labada dal, iyadoo iska horimaadkan lala xiriiriyay weerarkii duqeynta ee Pakistan ay ka geysatay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul.
Afgaanistaan ayaa ciidamo ku daabushay goobaha ay ka socdaan dagaalka ay kula jiraan ciidanka Pakistan oo ka socda toddobo goobood oo ku yaal xadka labada dal.
Telefishinka Al Jazeera ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan dawladda Afgaanistaan in ciidamada Afgaanistaan ay hadda ku jiraan dagaallo toos ah oo ay la galeen ciidamada Pakistan, kaasoo ka socda toddobo goobood oo ku teedsan xadka, iyadoo la sheegay in la isku adeegsaday hub culus iyo madaafiic, halka labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu dagaalka billaabay.
Dhinaca kale Dowladda Pakistan ayaa ku qasbanaatay inay kiciso diyaaradaheeda dagaalka si ay u farageliyaan dagaalka caawa ka socda xadka ee u dhaxeeya ciidanka Pakistan iyo Afgaanistaan.






