Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Erdogan, ayaa la sheegay inuu ku amray diyaaraddii uu la socday inaysan ka degin garoonka diyaaradaha Sharma El-Sheikh, oo ay ka gudubtay, kaddib markii xilliga uu halkaa ka degi lahaa Erdogan ay soo baxday wararka la xiriira Netanyahu inuu sidoo kale imaanayo shirka nabadda Qasa ee saacado kaddib ka furmaya Sharma El-Sheikh, isla markiiba inta aysan diyaaradda Erdogan ka bixin hawada Sharma El-Sheikh, waxaa dhacay wada-hadallo, illaa markii dambe la xaqiijiyay in laga joojiyay Netanyahu ka qeybgalka shirka, markaa oo diyaarada Erdogan ay dib uga degtay garoonka diyaaradaha Sharma El-Sheikh, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.
Waxaa kale oo la xaqiijiyay in Erdogan uu u sheegay madaxda kale ee ka qeybgelaya shir-madaxeedka in uusan ka qeybgelin doonin shirka haddii Netanyahu joogo, isla markaana uu si toos ah dib ugu laaban doono Turkiga haddii uu yimaado.






