Golaha Shacabka oo buuxinaya kursi ka bannaan guddiga Dastuurka ee Golahaas?

0
15

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan xubin ka bannaan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka 11aad, kursigaan waxa uu bannaan yahay muddo sanad ah kaddib markii uu iska casilay Xildhibaan Mowliid.

Labo Musharrax oo oo kala ah Xildhibaan Cumar Cali Isxaaq (Balash) & Xidlhibaanad Luul Ibraahim Cumar ayaa u tartamaya buuxinta kursigaan, waxa ay olole xooggan ka dhex wadaan Xildhibaannada Baarlamaanka ee codaynaya.

Xubintaan ayaa deegaan-doorashadoodu tahay Koofur Galbeed, Xildhibaanka ku guulaysta waxaa loo dhaarin doonnaa kursigaan, kaddib waxa uu la shaqayn doonnaa guddiga Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan Golaha Shacabka u qaabilsan arrimaha Dastuurka.

Guddiga Dastuurka waxa uu howshiisu tahay la kulanka Hay’adaha kala duwan ee wadaagga ay ku yihiin arrimaha Dastuurka, marka loo baahdo in loo gudbiyo Baarlamaanka ayuu Guddigaan u gudbinayaa Golaha Shacabka oo marinaya habraacyada loogu talagalay.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here