Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Madagascar oo dal dhaca xeebaha bari ee Afrika , Andry Rajoelina ayaa dalkaa isaga cararay, wuxuuna u baxsaday Faransiiska , kaddib markii dhallinyarada (Gen Z Madagascar) ay dhigeen dibadbaxyo isku xiran oo ugu dambeyntii isku rogay isbeddel doon ay ku baaqeen inuu xilka isaga tago madaxweynaha, iyadoo hadda xilka madaxweynaha si kumeelgaarka ah uu u qabtay Jean André Ndremanjary, oo horey usoo noqday ra’iisul wasaare muddadii u dhaxeysay 1993 ilaa 1994,xilligaa oo uu ku guuleystay inuu la dagaallamo musuq maasuqa oo sare u qaado adeegga bulshada iyo midnimada dadka Madagascar, wuxuuna xilkan ku qabtay markii ay dhallinyarada soo jeediyeen, si dalka uu doorasho rasmi ah u gaarsiiyo.
Labo arrin ayaa lahayd sababta ay dhallinyarada xilka uga tuureen madaxweynahooda;
Adeeg xumo baahsan oo dawladiisa ay ku kacday, markii waxba laga qaban waayay korontada iyo biyaha oo saacado badan magaalooyinka dalkaa si joogta u go’ayay.
Musuq maasuq uu qoyskiisa iyo saaxiibbadii ugu eexday khayraadka iyo dhaqaalaha uu dalkaa lahaa.






