Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Madaxweynaha Indonesia , Prabowo Subianto ayaa laga sheegay inuu berri booqasho ku tagi doono Israaiil, taas oo noqon doonta booqashadiisii u horreysay abid iyo dhacdo taariikhi ah oo aan horey u dhicin, sida ay werisey warbaahinta Israaiil oo ay ka mid yihiin Channel 12 iyo Times of Israel.
Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Muslim ah uu booqdo Israa’iil tan iyo booqashadii madaxweynaha Chad dhowr sano ka hor.
Taariikh ahaan, laba madaxweyne oo Muslimiin ah oo keliya ayaa hore u booqday Israaiil:
•Madaxweynihii hore ee Masar, Anwar al-Sadaat ayaa sanadkii 1977, booqasho taariikhi ah oo horseeday heshiiskii Camp David ku tagay Israaiil.
•Madaxweynihii hore ee Turkiga, Süleyman Demirel oo booqday Israaiil sanadkii 1996, xilli Ankara xiriir militari iyo ganacsi la gaartay Telaabiib.
Dhanka kale, Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqday Israaiil sanadkii 2005 isagoo ahaa ra’iisul wasaare,balse tan iyo marka uu noqday madaxweynaha Turkiga ma uusan booqan Israaiil.
Haddii booqashada madaxweynaha Indonesia , Prabowo Subianto ay dhacdo, waxay noqon doontaa dhacdo aan caadi ahayn marka loo eego marxaladda lagu jiro iyo in hoggaamiyaha Telaabiib tagaya uu yahay mid ka socda dalka ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan caalamka oo aan xiriir rasmi ah la yeelan Israaiil, tan iyo markii la dhisay sannadkii 1948.






