Madaxweyne Erdogan oo si cad u diiday in uu Netanyahu ka qeyb galo Shirka nabada Qasa.

0
27

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Wargeyska Israel Hayom , ayaa ku warramay Netanyahu inuu si weyn xiiso ugu qabay ka qeybgalka shirka nabadda Qasa ee Sharma el-Sheikh,balse waxaa si cad u diiday madaxweynaha Turkiga ,

Madaxweyne Erdogan oo ku hanjabay inuusan halkaa tagi doonin haddii Netanyahu uu yimaado, halka uu wargeysku sheegay inaysan waxba ka jirin cududaarka uu baahiyay xafiiska Netanyahu ee lagu baajiyay socdaalka.

Wargeyska wuxuu sheegay , in Erdogan uu wacay madaxweynaha Masar , Al-Sisi xilli uu ku jiray duulimaadkii uu ku tagayay Masar, isagoo ku wargeliyay in diyaaraddiisu aysan degi doonin haddii Netanyahu ka qayb galo shirka.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sidoo kale u sheegay Mareykanka in ay ka caroodeen sababta aan looga wada tashan arrintaas oo aan Turkiga lagu wargelin go’aanka lagu casuumay Netanyahu.

Kaddib wadatashi ay yeesheen saraakiil Mareykan iyo Israa|l ah, Netanyahu wuxuu go’aansaday inuu ka laabto safarkiisa, waxaana markaas kadib diyaaraddii Erdogan si caadi ah ugu degtay Sharma el-Sheikh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here