Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Masar ayaa u adeegsanaysa nidaamyada difaaca Ruushka xaqiijinta amniga goobta uu ka socdo shir madaxeedka nabadda Qasa ee ka socda Sharma el-Sheikh , kaa oo ay ka qeybgalayaan illaa 20 hoggaamiye oo Trump uu ku jiro.
Sida ay werisey The New Arab, waxaa yaalla goobta shirka uu ka socdo nidaamka difaaca Buk-M2E oo Ruushka uu soo saaro oo ah nidaam difaac dhex dhexaad ah oo lagu ammaano feejignaan iyo ka jawaabida khatarta si deg deg ah, waxayna gantaalada uu rido saddex mar ka dheerayaan inta uu is gaarayo codka labada qof ee is horfadhiya.
Masar, waxay heysata nidaamyada difaaca Mareykanka , balse adeegsiga nidaamka difaaca Ruushka ayaa u muuqata inay tahay digniin la xiriirta inay Masar awood u leedahay joojinta haddii dhinacyo xiriir la leh Israa|l ay iskudayaan inay weerarraan goobta uu shirka ka socdo, kaddib markii la oggaaday inay Israa|l damisay nidaamyada difaaca Mareykanka inta uu socday weerarkii ay Dooxa ka geysatay.






