WAR DEG DEG AH: Qarax Ka dhacay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

0
26

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Qarax ayaa waxyar ka hor ka dhacay bariga magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, saacado kahor furitaanka shir-madaxeedka Sharma el-Sheikh ee loogu saxiixayo heshiiska nabadda Qasa, halkaa oo Trump iyo 20 hoggaamiyeyaal kale ay tagayaan, sida ay werisay Al-Qahera Al-Ekhbariya.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Masar oo la hadlay Sky News Arabia, ayaa hoos u dhigay qaraxan, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax weerar ah ama khatar amni, balse lama sharrixin wali waxa uu qaraxan ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here