Maamulka Puntland oo Shaaciyay in la go’doomiyay xubno katirsan Daacish.

0
15

Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay go’doon gelisay xubno katirsan Daacish oo ku sugan God ku yaalla Ceelka Abbal ee Deegaanka Burac sida ay sheegeen saraakiil katirsan hoggaanka ciidanka howlgallada kawada Gobolka Bari.

Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Daacish oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo la geeyay mid kamid ah xarumaha loogu talagalay in lagu baaro laguna hayo xubnaha is dhiiba iyo maxaabiista la qabta sida hadalka loo dhigay.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay Dalka Turkiga oo katirsanaa Daacish kuna sugnaa Deegaanka Carabiya ee Togga Baallade waxaana ka baxsaday labo ajani oo aan dhalashooda la aqoonsan.

Puntland ayaa sheegtay in ay waraysatay mid kamid ah Dadka Soomaalida ah ee Daacish ka qabsadeen, waxa ay sheegeen in uu u sheegay in xiriirka telefoonkooda uu go’ay iska markaana aanay jirin wax hadal ah ama internet sida warka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here