Duqeyn lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan AS .

0
23

Saturday   18 Oct 2025 {HMC}  Diyaarado dagaal ayaa duqeymo qorshaysan ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda AS.

Duqeymaha ayaa daba socday howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa sifeynta goobaha ay kooxaha  ku dhuumaaleysanayeen.

War rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in duqeyntii iyo howlgaladii xigay lagu dilay illaa 20 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan  AS.

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay tuulooyinka Yiireey, Malaalyleey, Janaal-jaay, iyo Muuse Xaaji, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen saldhigyo iyo gabbaadyo ay hore ugu adeegsan jireen kooxaha AS .

 

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen godadkii iyo xarumihii ay Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen, islamarkaana ay ku guuleysteen in ay xoreeyaan deegaano muhiim ah oo horey ugu jiray gacanta kooxda.

 

Sidoo kale, howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya dhanka duqeymaha cirka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay khaarijinta horjoogayaasha kooxda.

 

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga hubinayo in gebi ahaanba laga cirib tiro kooxda  AS deegaanadaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here