Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Sida ay ku warrantay majladda Mirror ee UK — Haweeney Ingiriis ah, Mary Chater oo 67 jir ah ayaa lagu khiyaamay magac Soomaaliya, iyada oo nin u sheegtey magaca “Dani” uu u jiley jacayl si uu lacag badan uga qaato.
Mary oo ku nool magaalada Brighton ayaa u sheegtey Mirror in bishii December 2022 uu nin ka soo raacay sawir cunto karin oo ay ku baahisey Facebook, kaasi oo isku sheegay magaca “Dani” una sheegtey in uu yahay dhakhtar qalliinka dhaawacyada ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobay, kana howl gala Soomaaliya.
Sheekadiisa ayaa u muuqatay mid run ah — wuxuu soo dirayay sawirro iyo hadallo muujinaya in uu yahay qof samafale ah oo noloshiisa u huray dadka Soomaaliyeed, iyada oo Mary tidhi: “Wuxuu iga dhigay qof rumaysta in uu yahay nin geesi ah oo caawinaya dadka dhibaateysan ee Soomaalida” wax ay intaas ku daray in uu u sheegtey; in uu mashquul ku yahay daaweynta dhaawacyada dagaalka, taas oo sababtay in ay aaminto in uu dhab ahaan joogo Soomaaliya. Laakiin xidhiidhkaas “Jacayl” wuxuu isu beddelay khiyaano, markii uu bilaabay in uu lacag ka codsado, taasi oo uu ku horumarinayo shaqada caafimaad & lacago hormaris ah uu iyada ugu diyaarinayo hoy, si ay ugu timaaddo Muqdisho.
Has-yeeshee Mary ayaa ugu dambayn ku baraarugtay in ay la kulantay khiyaano, iyadoo lacagtii laga doonaayay joojisey, markii ay baadhitaan samaysay; waxay ogaatay in sawirrada uu isticmaalayay Dani ay ahaayeen kuwa laga xaday nin dhakhtar ah oo ka howl-gala gudaha caasimadda.
Sheekada Mary waxay muujisay sida magacyada & sawirrada Hey’adaha samafalka loogu adeegsado khiyaanooyinka internet-ka, iyadoo Soomaaliya loo isticmaalo marmarsiinyo lagu kasbado kalsoonida dadka Reer Galbeedka ah — maadaama oo dalku muddo badan ku jiro xaalad bin’adannimo oo soo jiidanaysa indhaha caalamka.






