Axad 19 Oct 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa fursad wayn heshay oo dhinaca iibka Xoolaha nool kaddib markii Australia ay joojisay xoolihii ay dhoofin jirtay, waxaa kale oo suuqa ka baxay Suudaan oo colaadda sokeeye saamayn taban ku reebtay Idihii loo dhoofiyay Khaliijka.
Sanadkii 2021 waxa ay Soomaaliya kasoo xaraysay lacag dhan $523 Milyan oo doollar, halka sanadkii lasoo dhaafay 2024 oo isbaddel ka muuqdo waxaana uu gaaray dhaqaalaha laga helay $974 Milyan oo doollar sida lagu sheegay warbixintaan.
Labada jeer ee Soomaaliya dhaqaalaha ka duwan ka heshay Iibka Xoolaha nool waxaa suuqa kula jiray Suudaan & Australia balse markaan way ka baxeen, waxaa muuqda fursad ah in ay heli karto in ka badan Hal Bilyan oo doollar oo kasoo xaroon karta iibinta Xoolahaas.
Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xannnaanada Xoolaha Soomaaliya Qaasim Cabdi Macallim ayaa sheegay in suuq ka bixista Australia ay Soomaaliya u tahay fursad wayn, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.
“Kororka dhoofinta waxaa sabab u ah laba arrimood oo muhiim ah, tan 1aad waa dagaalka sokeeye ee Suudaan oo saameeyay dhaqaalahooda, tan 2aad waa Australia oo hoos u dhigtay dhoofinta xoolaha nool ee ay u dirto dalalka Khaliijka, Tani waxa ay Soomaaliya ku hoggaaminaysaa in ay hesho faa’iido weyn oo dhinaca xoolaha la dhoofinayo” Qaasim Cabdi Macallim, Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha XFS.
Warbixin lagu daabacay Bloomberg ayaa lagu sheegay in 4tii sano lasoo dhaafay in Soomaaliya dhoofinta Xoolaha nool ay ka heshay $2.9 Bilyan oo Doollar, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa in sanad weliba dalka laga dhoofiyo xoolo u dhaxeeya 4 Milyan ilaa 6 Milyan oo la geeyo Bariga Dhexe.
Colaadda Suudaan oo aan weli xal waara loo helin & Australia oo si tartiib-tartiib ah u dhimaysa xoolaha ay u iibgaynso Khaliifka waxa ay suuq furan usii yeeleysaa Soomaaliya, Xukuumadda Canberra ayaa damacsan in May 2028 ay gabi ahaanba joojiso dhoofinta xoolaha dalkaas.






