Trump oo Si cad u sheegay in uu Mareykanka khiyaamay Shiinaha.

0
30

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa Fox News u sheegay ; “Shiinaha wuxuu na khiyaamay laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay.

Richard Nixon ayaa oggolaaday in arrintan dhacdo, isagaa u albaab uu tartan nagula galo u furay Shiinaha.”

Sannadkii 1972, madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Beijing, taasoo ahayd markii ugu horraysay ee hoggaamiye Mareykan ah uu si rasmi ah u booqdo Shiinaha.

Safarkaasi wuxuu jebiyay go’doonkii diblomaasiyadeed ee Shiinaha, wuxuuna horseeday in la furo xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed oo cusub.Shiinaha ayaa si tartiib ah ugu biiray nidaamka ganacsiga caalamka, ugu dambeynna wuxuu helay xubinimada WTO (World Trade Organization) sannadkii 2001.

Trump wuxuu rumeysan yahay in xiriirkaas uu sababay in Mareykanka uu waayo awooddiisii warshadaha, halka Shiinaha uu ka faa’iiday si uu u noqdo quwad dhaqaale.

Sida uu sheegay, shirkadaha Mareykanka ayaa u guuray Shiinaha si ay u helaan shaqaale jaban, taasoo keentay in shaqooyin badan laga waayo gudaha Mareykanka, halka Shiinaha uu kobcay dhaqaale ahaan.

Hadalka Shiinaha wuxuu na khiyaamay, wuxuu ka tarjumayaa aragtida Trump ee ah in Shiinaha uu si cadaalad darro ah uga faa’iidaysatay heshiisyada ganacsiga, isagoo adeegsanaya farsamooyin ay ka mid yihiin:

inuu xaday tiknoolajiyada Mareykanka, shirkadaha shisheeye ku qasbay inay xogtooda la wadaagaan, taa oo ay weheliyay kordhinta wax soosaarka dibadda loo dhoofinayo, halkaana waxaa ku lumay awooddii ganacsi ee Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here