Axad 19 Oct 2025 {HMC} Maxkamadda gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa maanta xukunno ku riday saddex nin oo ku eedeysnaa in ay dileen Hooyo iyo saddexdeeda gabar oo ku sugnaa deegaan hoos yimaada Magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud.
Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in ay waayeen caddeymo saddexda nin ee kala ah Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cisman Cabdulaahi ay dileen Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddex gabar oo ay dhashay kuwaasi oo kala ah Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed.
Sidoo kale, Garsoorka ayaa sheegay in dadka leh dhaxalka ay diideen in ay dhaartaan ama dhaariyaan eedeysaneyaasha, tillaabadaasina aysan keeneyn in lagu helay dambiga.
Garsoorka Maxkamadda, Cabdi Cisman iyo Galad Axmed ayaa lagu xukumay tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano ah.






