Bandow lagu soo rogay Magaalada Ceerigaabo.

0
36

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa sheegay in gabi ahaanba la joojinayo isu socodka gaadiidka ee magaalada gudaheeda wixii ka billowda makhribnimada Isniinta ee 20ka Oktoobar.

“Wixii ka billowda 6da makhribnimo ee 20ka Oktoobar, waxaa ilaa amar dambe reeban dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee aan ku soconin si waafaqsan ruqsadda dhaqdhaqaaqa ee barasaabka gobolka” ayuu yiri jeneraalku.

Berri ayaa lagu wadaa inuu magaalada soo gaaro madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed cabdulaahi Cirro, ayadoo la qaban doono shir nabadeed inuu halkaa ka furmo, waxaana sidoo kale la filayaa in uu Ceerigaabo soo gaaro Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Ilaa 400 oo ergo oo beelaha deegaanka ka socda ayaa la filayaa inay gaaraan Ceerigaabo si ay uga qayb galaan gogol uu madaxweyne Cirro dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here