Maxkamaddu waxay ku xukuntay laba kamid ah raggaasi 5 sano oo xabsi ah, halka ninka saddexaad lagu xukumay 3 sano, Xukunkaas ayaa dhaliyay caro badan iyo dood ka dhex aloosantay bulshada, iyadoo dad badan ay u arkaan inuu yahay xukun aad u hooseeya marka loo eego dembiga la galay.
Muuqaallo laga duubay maxkamadda ayaa muujinaya aabaha qoyska la laayay oo si weyn uga naxay go’aanka maxkamadda, kanaa baxay hoolka isagoo aan la dhicin xukunka la riday.
Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo kuwa baraha bulshada ka hadla ayaa sheegay in xukunka uu dhaawacayo kalsoonida shacabka ee hay’adaha garsoorka, Dad badan ayaa isweydiinaya: Sidee ku suurtagashay in dilka hooyo iyo saddex carruur ah lagu xukumo 3 iyo 5 sano oo keliya?
Xukunka ayaa sidoo kale dhalin kara dalabyo lagu doonayo in dib loo furo kiiska, ama in racfaan laga qaato go’aanka maxkamadda, Dhibaatadan waxay iftiimisay baahida loo qabo in dib loo eego nidaamka caddaaladda dalka, gaar ahaan marka ay timaado dambiyada culus ee lidka ku ah nolosha bani’aadamka.






