{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Gaarka ah oo howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay Duleedka Muqdisho.

0
23

Talaado 21, Oct 2025 {HMC} Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad ayaa maanta howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay daafaha magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo looga shakiyay dhaqdhaqaaqyo amnidarro.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay kahortagga wax kasta oo halis ku ah amniga iyo xasilloonida magaalada, isla markaana lagu xaqiijinayo nabadda iyo kalsoonida shacabka.

Ciidanka Haramcad ayaa horey u sameeyay howlgallo miro dhal ah oo lagu soo qabtay dad iyo walxo khatar ku ahaa bulshada.

Haramcad Haramcad 1 CIidanka Haramcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here