Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan AS oo Laga fuliyay gobolka Hiiraan.

0
21

Talaado 21 Act 2025 {HMC} Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa Xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kaasoo Taliska hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana lagu dilay ilaa 7 xubnood.

Howlgalkan oo Xalay sadax jeer oo kala duwan ka dhacay deegaanka Kuukaayle ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaall iyo teendhooyin ay maleeshiyaadkau ku dhuumaaleysanayeen.

NISA waxay qoralkeeda ku sheegtay in howlgalka uu ahaa mid ku yimid xogo sirdoon oo lagu ogaaday in dhaqdhaqaaqyo halkaasi ka wadeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidamadu ay ka hortageen dhaqdhaqaaqyadooda, lana soo afjaray abaabulkii ay wadeen.

Nisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here