Netanyahu oo si xooggan uga soo horjeestay in Turkiga iyo Qatar ay Joogaan Qasa.

0
21

Talaado 21 Act 2025 {HMC} Wargeyska Israa|l ka soo baxa ee Israel Hayom ayaa ku warramay Netanyahu inuu si xooggan uga soo horjeestay in Turkiga ama Qatar ay wax joogitaan ah ku yeeshaan gudaha Qasa.

Netanyahu isagoo ku tilmaamay khad cas oo aan la dhaafi karin, isla markiiba Mareykanka wuu u arkay mowqifkan inuu Netanyahu ku doonayo si heshiiska loo burburin lahaa, wuxuuna Mareykanka u sheegay Netanyahu in doorka Turkiga iyo Qatar uu ku egyahay arrimaha bani’aadanimo oo joogitaankooda uu muhiimad u leeyahay fulinta heshiiska.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inuu Trump iskudayayo sidii Netanyahu loogu qancin lahaa inuu joojiyo iskudayada uu ku burburinayo heshiiska Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here