Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka Ciraaq Cabdil-Amiir Al-Shammari ayaa xarunta Wasaaradda ee Dalkaa ku soo dhaweeyey Taliyah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Wefdiga uu Hogaaminayo Taliyaha oo safar shaqo ku jooga Dalkaa .
Kullan gaar ah oo Xarunta Wasaaradda ka dhacay ayaa looga hadlay is-kaashiga Amniga labada dal , xoojinta Xiriirka iyo is-dhaafsiga Khibradaha si loo amba qaado dedaalda lagu xoojinayo wada shaqeynta.
Taliye Asad ayaa Dawladda Ciraaq uga Mahadceliyey maqaamka sare ee ay ku soo dhaweeyen isaga iyo wefdigiisa,waxaana uu qiray in dedaalada isu imaatinka labada dhinac muujinayaan sida ay uga go’antahay dhinac walba dhaqan gelinta Hashiisyada la gaaray.







