Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Ugu yaraan todobo qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay, ka dib weerarro culus oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka gaysteen Ukraine, sida ay saraakiishu ay sheegeen.
Dugsiga barbaarinta ayaa la duqeeyay kaasi oo ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn ee Ukraine ee Kharkiv iyo sidoo kale waxyeelo weyn oo soo gaartay caasimada Kyiv. Carruur ayaa kamid ahayd 27 qof oo dhaawacmay.
Saacado kahor, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in qorshihiisa la kulanka Putin ee dhowaan ee ka dhici lahaa Budapest la hakiyay, maadaama uusan doonayn ‘’kulamo aan waxba soo kordhinayn’’
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weeraradu caddeynayaan in Moscow aysan weli dareemin cadaadis ku filan oo lagu joojinayo dagaalka ay wadaan.






