Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Maleeshiyaad Hubeysan ayaa Afduubtay gawaari Safar ahaa oo Marayay inta udhaxeyso Degmooyinka Matabaan iyo Guraceel.
Sedex gaari oo BJ iyo Hal gaari oo layla calaawi Darawaladii waday iyo Shacabkii saarnaa ayay qabsadeen waxa ay geeyeen Deegaano Howdka ah oo udhaxeeyo Matabaan iyo Guraceel.
Maleeshiyaadka wax afduubtay aya Safarka usheegay in ay kaso jeedaan Beesha Habargidir islmarkaana ay tabasho kaqabaan Saraakiil kaso jeedo Beesha Abgaal oo ay ku eedeyeen in ay kol hore afduubteen Gawaari Safar ahaa oo ay beeshooda leedahay.
Sawirka Ragga iyo Gaarigaba kamuuqdaba waa la afduubtay.






