Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa markii u horreysay si cad u xaqiijiyay in ay Dowladda Itoobiya gacan ka siinayo sida ay ku heli lahayd tamarta nukliyeerka ah (NPP) oo ku saleysan tiknoolajiyadda casriga ah ee VVER-1200.
Shirkadda Rosatom oo ah Shirkad laga leeyahay Dalka Ruushka ayaa hada ka qayb qaadaneyso hirgelinta warshada tamarta nukliyeerka ee Itoobiya,sida ay maanta wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ka soo xigatay safiirka Ruushka u fadhiya Magaalada Addis Ababa ee Dalka itoobiya , Evgeniy Terekhin.
hadalka Dowladda ruusha ayaa waxa uu imayaa xili dowladda Itoobiya ay dhawaan bilaawday dhismaha warshada Tamarta nukleerka.






