Ciyaal weero oo dib loogu arkay Kaaraan

0
25

Khamiis, 23 Oct 2025 {HMC} Degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho ayaa waxaa kale lagu arkay kooxo ciyaal weero ah oo dhibaato ku hayo dadka deegaanka iyo amniga degmadaasi, waxaana isla markiiba tallaabo deg deg ah qaaday maamulka iyo laamaha amniga.

Guddoomiyaha maamulka demada Kaaraan Mudane Maxamuud Cabdullaahi Cumar (Socdaal), oo howlgalka horkacayay ayaa si adag uga hadlay arrinta ciyaal weerada, wuxuuna sheegay inay la dagaalami doonaan, si guud ahaan looga tirtiro degmada.

Socdaal ayaa sidoo kale farriin u diray waalidiinta dhalinyaradaasi, wuxuuna ka codsaday in marka hore ay ceshadaan, haddii kale ay uga dambeeyaan laamaha amniga iyo sharciga.

“Xashiishka iyo weerada dadka lagu soo qabtay degmadaan kama sii soconeyso cid laga yeelana habayaraatee ma jirto”, ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Socdaal.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Hooyooyinka waxaa laga rabaa laba midkood waayay ilmaha lasoo qabto in aysan ka daba imaanin amaba marka hore inay ceshtaan kow iyo toban saac inay weero bilabaan markii ilmihiina lasoo doonana lix saac habeenimo aa ka daba imaataan cid laga akhrinaasyo maleh ”.

Dhanka kale, wuxuu farriin u diray askarta dowladda ee deggan degmada, isaga oo ku eedeeyay in mararka qaar ay lasoo kala saftaan ciyaal weerada, ayna halis ku yihiin amniga shacabka.

“Nimanka dhahaayo annaga ciidan ayaan nahay ee buulooyinka ku jiraan hadana qoryaha qaata ee ciyaal weerada u kala hiiliya iyagana kama akhrisaneyno, kana yeelimeyno, caawa inta lasoo qatay ayaa tusaale u noqon doonta hadduu Ilaah yiraahdo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Muqdisho ayaa muddooyinkan ka caganeyd kooxaha ciyaal weerada iyo falalka kale ee amni darrada, kadib ay qorshayaal amni sugid oo ay la timid dowladda, kuwaas oo hirgalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here