Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Tuulo halis badan oo Philippi la dhaho ayaan ka shaqeynayay. Waa intii aysan taleefannadaan waaweyn soo bixin. Berigaas qofkii Koofur Afrika taga way adkayd in xiriirkiisa la helo.
Saddexdii jimco mid ayaan fasax lahaa oo waxaan tookeysan jirnay laba nin oo kale oo aan dukaan wada lahayn.
Maalintaas jimcada ah waxay iiga dhignayd ciid. Dibadda ayaan uga bixi doonaa shabaqa dukaanka ee xabsiga igu noqday. Waxaan soo arki doonaa dabaqyadii dhaadheeraa ee Bellville.
Si xornimo ah ayaan laammiyada u dhex lugeyn doonaa anigoo jeebkayga lacag ku og. Reerihii dalka jiray ayaan wici doonaa. Tan ugu qurxan waa codka hooyo oo i leh ” lacagtii aad ii soo dirtay waan helay”.
Marka aan tago goobta taleefannada, ma jecli in ay dad badan iga horreeyaan oo aan saf galo.
Haddii ay taas dhacdo waxaan maqli doonaa codad argagax leh iyo sheekooyin quus ah. Nin walba wuxuu reerkiisii dalka jiray u tebinayaa war dhiillo leh. Hebel waa la dilay, hebel kalana nolosha ayaa lagu gubay.
Marar waxaan la kulmi jiray rag xaasaskoodii hawada ku dalaaqaya. Waa iska caadi in qofka kaaga horreeyay qaanaddaas taleefannada uu soo baxo isagoo ilmeynaya.
Dhaawacyada mindida iyo shilalka fudud in reerkii dalka jiray loo sheego ceeb ayay ahayd.
Goobtaas waxay kulmin jirtay rag sidii jabhaddii furin ka soo wada baxay. Marka ay tookadaada soo gaarto, waxaad wici kartay qof ama laba uun. Lacagta dalka lagu soo waco qaali ayay ahayd. Isbariidin iyo in lacagtii aad soo dirtay la helay ayaa ugu muhiimsanayd.
Xitaa dadka Soomaaliya jooga waxay u baahnaayeen shan doollar lacag ka badan si ay noo soo wacaan. Sidaas darteed, lacag badan oo shaxaad nooga bixi lahayd waa noo baaqan jirtay.
Ragga tuulooyinka Koofur Afrika ka xamaasha laba magac ayay kala lahaayeen. Qolo la dhaho Make Money oo shaqada sida ay tahay u wajaha, iyo kuwo kale oo loo bixiyay Make Up.
Nolol sideeda u qallafsan oo u dhaxaysa lacag, sigaar, dhimasho, tuugo iyo boolis ayay ahayd. Qofku wuxuu ku qasbanaa in uu noqdo bir aanan daxalaysan. Cudurrada iyagu liiska iyo qorshahaba kuma jirin.
Haddii uu qofku maalin xanuunsado, way adkayd in maalin labaad oo fasax ah loogu daro.
Casarka jimcada ayaan tuulada ku soo laaban jiray anigoo culaysyadii biilka iska soo xalliyay.
Shabaqii dukaanka ee wax walba isku ahaa ayaan dhex geli doonaa. Halkaas maalmuhu waa isku mid.
Shaqadii aad maanta qabatay oo labajibbaaran ayaa berrina kuu taalla. Baastooladdaada cabbayso, rootigana waqtigiisa ku deji.
Halkaan saaxiib kuma lihi, hadana tuugga i dili raba xitaa wuxuu iigu yeeraa My Friend!
Sawirka iyo maanta oo jimco ahayd ayaa xusuusta i geliyay.
WQ Abdirizak Jidhi






