Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Trump ayaa Ra’iisul wasaaraha Japan, Sanae Takaichi la saxiixday heshiis uu Mareykanka ku helayo macdanta muhiimka ah ee Japan, kuwaas oo muhiim u ah sameynta tiknoolajiyada casriga ah iyo hubka.
Isla toddobaadkii hore, Mareykanku wuxuu heshiis kale la galay Israa|l , si ay uga wada shaqeyn lahaayeen helida macdanta.
Sababta Mareykanku sidaas u samaynayo waa in Shiinaha uu hadda xakamayso inta badan macdanta muhiimka ah ee caalamka, isagoo heysta goobaha ugu badan ee laga qodo oo Afrika ay ku jirto iyo kaydka ugu badan ee macdanta, taasoo siisay awood weyn. Sidaas darteed, Mareykanku wuxuu isku dayayaa inuu la tartamo Shiinaha oo uu helo ilo kale oo uu ka keeno macdanta muhiimka ah.






