Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Tirada dadka ku dhintay dhul-go’ ka dhacday degmada Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa gaartay 15 qof, iyadoo in ka badan 30 qof aan weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kipchumba Murkomen.
Waxa uu sheegay in 25 qof ay ku dhaawacmeen oo laga daad gureeyay si gurmad caafimaad loogu sameeyo.
Hawlgallada baadi-goobidda iyo samatabixinta ee socda ayaa waxaa fulinaya koox ka kooban hay’ado badan oo ay ku jiraan militariga, booliiska, iyo hay’adaha samafalka.
Murkomen waxa uu sheegay in qoysaska halista ugu jira dhul go’o kale loo rarayo meelo nabdoon, waxaana la furay hannaan lagu soo sheego dadka maqan.
Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay halkaas ayaa sababay in qeybo ka mid ah gobolka sare ay dumaan abbaare labadii habeennimo ee xilliga gudaha, taasoo keentay in dhoobo iyo khshin ay hareeyeen guryo dhowr ah.






