Axad Nov 02, 2025 {HMC} Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Nofeembar 2025, ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo taageero ka helaya VIKES Viestintä ja kehitys -säätiö ayaa Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhammeynta Dambiyada aan la Xisaabin ee Wariyeyaasha (IDEI).
Maalintan oo sanad walba laga xuso guud ahaan caalamka si loo xasuusiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda wariyeyaasha iyo la xisaabtanka dambiyada lagula kaco ayaa sanadkan waxaa lagu hoos qabtay mowduuca “Chat GBV, kaas oo diiradda saaraya wacyigelinta ku saabsan tacaddiyada iyo khataraha ka dhasha tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan kuwa ay la kulmaan haweenka wariyeyaasha ah ee lagu beegsado baraha bulshada iyo aaladaha garaadka macmalka ah (AI).
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay wariyeyaal, qareenno, iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan. Dadkii jeediyay khudbadaha waxaa ka mid ahaa Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Abdifitah Aadan Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducale, iyo Abuukaate Maxamed Cabdirisaaq oo ka tirsan Hiil Law Firm, kuwaas oo FESOJ kala shaqeeya difaaca iyo u doodista xuquuqda wariyeyaasha.
Inta Munaasabadda ay socotay waxaa la qabtay falanqeyn ay ka geyb galeen gabdho ka kala socday Bulshada Rayidka, Ururada Wariyeyaasha iyo kuwa qoraayaasha, kuwaas oo falanqeeyay sida Soomaaliya ay u saameysay tacaddiyada lagu geysto garaadka macmalka ah ee AI.
Ugu dambeyntii, Xoghayaha Guud ee FESOJ Mudane Faarax Cumar oo soo xiray munaasabadda ayaa ka hadlay doorka ururka ee ku aaddan difaaca saxaafadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in FESOJ ay ka go’an tahay taageeridda wariyeyaasha la kulma tacaddiyada, wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista ilaalinta xorriyadda hadalka.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah ay iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa dambiyada aan la xisaabin ee lagula kaco wariyeyaasha.







