Madaxweyne Xasan Shiikh oo Samia Suluhu ku tilmaamay hoggaamiye dadkeeda jecel yihiin.

0
25

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhigiisa dalka Tansaaniya, Samia Suluhu Hassan, xilli ay mar kale ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha ay gaartay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay muujineyso kalsoonida iyo taageerada shacabka Tansaaniya ay u hayaan hoggaankeeda.

“Waxaan u dirayaa Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Muungano ee Tansaaniya, Samia Suluhu Xasan. Guusheedu waa caddeyn muujineysa kalsoonida shacabka Tansaaniya ay ku qabaan hoggaankeeda iyo aragtideeda horumarineed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal, iyo in la sii wado iskaashiga ku aaddan nabadda, amniga iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Afrika guud ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here