Mareykanka oo isku diyaarinaya howlgallo cusub uu ka fulinaayo bariga dhexe.

0
23

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa isku diyaarinaya howlgallo cusub oo laga fuliyo bariga dhexe, xilli indhaha oo dhan ay ku jeedaan howlgalka Mareykanka uu ka wado Laatin Ameerika.

Hal wicitaan ayaa daahqaaday inuu Mareykanku fulinayo howlgallo, ma cadda haddii weerarka Mareykanka uu ku socdo Iiraan, balse wasiirka difaaca Mareykanka, Pete Hegseth ayaa telefoon kula xiriiray wasiirka difaaca Ciraaq, Thaabit al-Cabbaasi wuxuuna la wadaagay digniin culus oo loo dirayo Ciraaq, taa oo la xiriirta in kooxaha hubeysan ee Ciraaq gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Iiraan aysan soo faragelin hawlgalladaas, sida uu weriyey wargeyska Asharq Al-Awsat.

Wasiirka difaaca Ciraaq oo hadalkan la wadaagay warbaahinta , wuxuu intaa ku daray in Hegseth uu hadalka ku soo afjaray fariin adag oo uu si toos ah u yiri: “Tan waa digniintiinna ugu dambeysa… waxaad si fiican u taqaannaan sida ay maamulka hadda talada haya uga jawaabi doonaan haddii la jebiyo digniintan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here