Burcad badeed Soomaali ah oo isku dayay inay afduubtaan Markab ganacsi oo xamuul ahaa

0
26

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Waxaa soo baxay cabsi cusub oo ku saabsan soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliyeed, kaddib markii afar qof oo aan la aqoonsan isku dayeen inay fuulaan markab ganacsi oo ku sugnaa 534 kiiloomitir bari ka xigta magaalada Muqdisho, subaxnimadii Isniinta ee maanta

 

Hay’adda Howlaha Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in kabtanka markabka uu ku war geliyay in burcad-badeeddu isku dayeen inay fuulaan doon yar, balse weerarka uu fashilmay markii lagu riday rasaas digniin ah

 

Burcad badeedda ayaa dib ugu laabtay doon weyn oo ay wateen, taas oo lagu arkayay qiyaastii shan mayl bari ka xigta goobta uu ka dhacay isku dayga fashilmay

 

Dhacdadan ayaa timid toddobaad kaddib markii mas’uuliyiintu kordhiyeen digniinta khatarta burcad-badeedda, kaddib markii la afduubtay doon yar, taas oo muujinaysa in khatarta burcad-badeedda Soomaaliya ay mar kale soo noolaanayso Badda Hindiya

 

Mas’uuliyiintu waxay ku baaqeen in markab kasta oo ka shaqeeya Badda Hindiya uu taxaddar dheeri ah sameeyo, isla markaana la socdo digniinaha iyo warbixinaha amniga badda ee UKMTO iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here