Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Dhul-gariir cabirkiisa lagu sheegay 6.3 magnitude ayaa ku dhuftay Magaalada Mazar-i-Sharif ee dhacda Waqooyiga Dalka Afghanistan, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay 7 qof halka dhaawaca uu gaarayo 150 kale
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in dadka badan laga soo badbaadiyay burburka dhismaha hoostiisa kuwaas oo halis u galay in ay dhintaan sida ay ku warrameen xubnaha gurmadka
Afghanistan waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay dhul-gariir galaaftay nolosha boqolaal ruux halka ay ku dhaawacmeen kumaan kale, waxaa intaas dheer burbur soo gaaray deegaanno dhowr ah oo dadkii degenaa aanay weli dib ugu laaban
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka talada Afghanistan gacanta ku haya ayaa sheegay in ay kordhiyaan xubnaha guddiyada ah ee ka shaqeeya u gargaaridda dadka dhibaatooyinka kasoo gaara dhul-gariirka, duufaannada iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.






