Duqeemo culus oo lala beegsaday saldhigyo ‘AS’ leeyihiin oo ku yaalla Gobolka Shabeelaha Dhexe

0
20

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ku beegsaday saldhigyo ‘AS’ ay ku leeyihiin deegaanno hoostaga Magaalada Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida wararka la helayo ay sheegayaan

 

Diyaaradaha weerarka fuliyay ayaa beegsaday goobo kala duwan sida ay sheegeen ilo wareedyo, waxaana si dhab ah loo ogayn khasaaraha halkaas kusoo gaaray ‘AS’ maadaama aanay weli wax war ah kasoo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Inta badan duqeymaha ka dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa fuliya diyaaradaha duuulliye la’aanta ah ee Maraykanka, waxa ay macluumaadka soo gudbiyaan saacado ama mararka qaar iyada oo bayaankooda lagu faahfaahiyo cidda la beegsaday iyo khasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here