Mareykanka oo markii u horreysay shaaca ka qaaday suragalnimada in la xiro hawada Mareykanka

0
21

Isniin 3 Nov 2025 {HMC} Wasaaradda gaadiidka Dalka Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday suragalnimada in la xiro hawada Mareykanka, sabab la xiriirta mushaar la’aanta ay wajahayaan shaqaalaha adeegga hawada oo ay ku jiraan kuwa maamulla garoommada diyaaradaha iyo duuliyeyaasha diyaaradaha, kaddib markii lacagta lagu maalgeliyo hay’adaha dawladda Mareykanka ay go’day, taa oo ka dhalatay markii xisbiga Jamhuuriga ee Trump uusan heshiis la gaarin xisbiga mucaaradka ee Dimoqraadiga oo ku saabsan sida golaha sharci dejinta ay u ansixiyaan sharciga kharashaadka, sida ay werisey Al Jazeera.

Si fudud , haddii shaqaalaha adeegga maamulka hawada ama duuliyeyaasha khibrada leh ay shaqada joojiyaan wasaaradda gaadiidka Mareykanka, waxay qaadanaysaa go’aan lagu xirayo hawada si aysan khatar u dhicin,mana jiri doonaan markaa duulimaadyo gudaha ah iyo kuwa caalami ah oo Mareykanka tagaya ama gobollada isaga safraya, xilli mar horaba maanta iyo shalay la soo sheegay in duulimaadyada qaar ay dib u dhaceen, maaddama adeegyada garoommada aysan si buuxda u socon.

Waa wax wanaagsan qofka doonaya xilli dhow inuu u safro Mareykanka , inuu u fiirsado xaaladan ama xataa safaro gudaha ah haddii aad galayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here