Taliska Ciidanka Danab ee Puntland oo xaqiijiyay in la jaray mushahaarkii

0
21

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Taliska Ciidanka Danab ee Puntland ayaa sheegay in maamulka hadda jooga uu joojiyay dhammaan xuquuqdoodii iyo mushaarkii ay ku lahaayeen, isla markaana ciidankooda lagu hayo hanjabaad joogto ah

 

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay yihiin ciidanka u geeriyooday una dhaawacmay difaaca Puntland, haddana weli ay heegan u yihiin ilaalinta amniga shacabka iyo dalkooda

 

Ciidanka Danab waxay sheegeen inay shaqadooda sii wadi doonaan, inkastoo ay muujiyeen in ay ka walaacsan yihiin xaaladda haatan ka jirta Puntland

 

Waxay so dhoweeyeen dhalinyarada cusub ee aqoonyahannada ah ee kuso biiray ciidanka booliska, iyagoo sheegay inay la shaqayn doonaan, si loo xoojiyo amniga caasimadda

 

Ciidanka Danab oo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magacaabo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, waxay ahaayeen ciidamadii horey uga horyimid doorashooyinka qof iyo cod, islamarkaasna ku lug lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Garowe sanadkii 2023, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof

 

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar ku saabsan in maamulka Puntland uu mushaaraadkii ka goosay ciidanka Danab iyo ciidamo kale oo Puntland uga howlgalayay Sool iyo Cayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here