Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Soomaalida ku nool Maraykanka ugu baaqday in ay codkooda siiyaan Cumar Faatix

0
12

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa olole xooggan u muujisay Cumar Maxamed Faatix oo ah Soomaali-Ameerikaan u tartamaya xilka Maayarka Minneapolis, waxaana ay sheegtay in codayntu ay tahay mid lagu helo kalsoonida

 

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in waqti badan ay gelisay sidii Cumar uu ku heli lahaa kursiga uu doonayo maadaama waxa keliya ay ku dooratay howshaan ay tahay shaqadiisa, kalsoonidiisa, daacadnimadiisa iyo fulinta ballanqaadyada uu sameeyo

 

Waxa ay dadka isugu soo baxay garab istaagga wiilkaan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ugu baaqday in ay u degdegaan goobaha codbixinta isla markaana codkooda ku aaminaan si uu u noqdo Maayarka Minneapolis ee guusha hela

 

Musharraxa Maayarka Minneapolis waa Cumar Faatix ayaa wada olole xooggan isaga oo garab ka helaya dadka la riyaaqsan siyaasadda uu soo bandhigay maadaama ay ka rajayanayaan waxqabad uga wanaagsan Maayarka muddo xileedkiisu dhammaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here