Talaado 04 2025 {HMC} Ciraaq ayaa ku xirtay si hubka looga dhigo kooxaha ay Iiraan taageerto ee ku sugan gudaha Ciraaq, in marka hore loo baahanyahay inay ciidanka Mareykanka isaga baxaan dhammaan dhulka Ciraaq.
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Maxamed Suudaani oo go’aankan soo saaray wuxuu yiri ; “ Kooxaha hubeysan waxay aaminsanyihiin Mareykanka inuu yahay gumeyste dhulkooda ku soo duulay, mana suragelayso Mareykanka oo ku sugan Ciraaq inay hubka dhigaan.”






