Talaado 04 2025 {HMC} Bartamaha caasimadda Iiraan ee Tahran ayaa shaashad weyn lagu soo muujiyay sawirka dhowr hoggaamiye oo la dhex geliyay taallada xorriyada Mareykanka.
iyadoo la sheegay hoggaamiyeyaashan inay isku haleeyeen ballanqaadka beenta ah ee Mareykanka oo markii dambe galaaftay xukunkooda, waxaana ka mid ah sawirrada la soo bandhigay; madaxweynaha Ukraine , Zelensky, madaxweynihii hore ee Liibiya, Qadaafi , boqorkii u dambeeyay ee Iiraan, Shah Reza Pahlavi iyo Saadam Xuseen.
Waxaa kaloo baahiyay farriimo kale oo lagu sheegay inaysan Iiraan waligeed ku kalsoonaan doonin Mareykanka.






