Talaado 04 Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Trump ayaa ku dhaqaaqay tallaabo cusub uu meesha uga saarayo warbaahinta madaxa bannaan , isagoo hadda adeegsanaya shaqsiyaadka midigta fog ee sida xagjirka ah u taageerra, iyadoo hadda Laura Loomer, oo ah haweenay midigta xagjirka ah oo taageerta Trump , lagu daray kooxda loo oggolyahay inay ka soo warramaan dhacdooyinka waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, kaddib markii dhawaan warbaahintii ka soo warrami jiray ay shaqada u joojiyeen sabab la xiriirta shuruuc lagu tafatirayo wararkooda oo Pentagon-ka uu soo saaray.
Dhowr qof oo dadka warbaahinta bulshada ka taageerri jiray Trump ayaa hadda lagu beddelay halka ay ka baxeen warbaahinta , waxaana dadka aan horey saxaafadda ugu jirin sida, Laura Loomer la siiyay aqoonsi saxaafadeed, mana jirto wax saxaafad ah oo aan ahayn inay baraha bulshada taageerradeeda Trump ku soo gudbin jirtay oo ay lahayd, sida uu sheegay wargeyska Washington Post.
Mareykanka ka hor Trump , dalal badan ayuu cunaqabateyn u saaray inay xakameynayaan saxaafadda , balse hadda Trump ayaa qaaday wax aan horey dal kale looga sameyn oo aan xakameyn ku saabsaneyn ee shaqo joojin uu geliyay saxaafadda madaxa bannaan , oo lagu beddelayo shaqsiyaad baraha bulshada oo aan sheegeyn wax isaga ka dhan ah..!







